Baaq Qoraallo – Call for Papers
Tahriibka: Safarka Yididiilada & Geerida
Tilmaamidda iyo falanqaynta Sababaha, Saamaynta & Xalka
Shircilmiyeedka 2aad, 5-6 12-13 Oktoobar 2016, Muqdisho
Machadka ISOS wuxuu qabanqaabinayaa shircilmiyeedkiisii 2aad ee daraasaadka Soomaalida, oo cinwaankiisu yahay “Tahriibka: Safarka Yididiillada & Geerida – Tilmaamidda iyo Falanqaynta Sababaha, Saamaynta & Xalka”; waxaana lagu qabanayaa Muqdisho, Soomaaliya,
5-6 12-13 Oktoobar 2016.
Tahriibku waa dhibaato xilligan Soomaaliya haysata, una baahan in si qotodheer looga baaraandego. Shircilmiyeedkani waa aqoonisweydaarsi lagu falanqaynayo tahriibka iyo arrimaha la xiriira, iyadoo dhinacyo kala duwan laga fiirinayo: sababaha keena, dhibaatooyinka ka dhalan kara iyo siyaabaha wax looga qaban karo.
Machadku wuxuu ugu baaqayaa, kana codsanayaa dhammaan aqoonyahannada inay ka qaybgalaan soogudbinta qoraalladan, iyagoo raacaya tilmaamaha qoraallada cilmiyeed (Academic Papers). Xulka qoraallada waxaa laga dhigayaa buug daabacan. Shircilmiyeedka waxaa laga soo jeedin doonaa qoraallada la soo gudbiyay, intii suurtagal ah, ka dibna waxaa raacaya falanqaynta & faallada kaqaybgalayaasha.
Mawduucyada qoraallada iyo jadwalka hawlgalka oo faahfaahsan fadlan, ka fiiri qoraalkan lifaaqa .
Baraarujin:
1) Shircilmiyeedkani kama hadlayo waxyaabaha uu la kulmo tahriibuhu marka uu gaaro dalkii uu hiigsanayay, waxa uu ku eg yahay safarka tahriibka iyo wixii ka horreeya keliya.
2) Machadku wuu soo dhowaynayaa qofkii danaynaya inuu qoraal u soo gudbiyo buugga la daabacayo, laakiinse aan shircilmiyeedka ka soo qaybgeli Karin.
Hannaanka iyo Jadwalka Qoraallada
Qoraagu wuxuu wax ka soo qorayaa qodob ama qodobbo ka mid ah mawduucyada qoraalka. Luqadda lagu qorayaa waa Af Soomaali u qoran si cad oo la wada fahmi karo. Ugu horayn, waxaa la soo gudbinayaa gundhigga qoraalka (khulaaso ama abstract) ah 1-3 bog. Qoraalkan oo ah Microsoft Word lagu soo dirayaa emailka: [This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ].
Qoraalka dhammaystiran, ah 10-20 bog, la soo gudbiyaa ugu dambeyn 25/9/2016.
Shircilmiyeedka waxaa la qabanayaa 5-6 12-13 /10/2016.
Wixii talo ama faahfaahin dheeraad ah, fadlan nagala soo xiriir emailka machadka: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Follow Us
Copyright © 2018. All Rights Reserved to Institute for Somali Studies.