Waxay ahayd booqasho farxad iyo qiime gaar ah leh, booqashada Md Guuleed Muuse Galaal nagu soo booqday xafiiska machadka ISOS, Axad 5/6/2016.Salaan iyo soodhowayn ka dib, wuxuu Guuleed ka warramay hawlaha lagu ururinayo raadkii iyo aqoontii Muuse Galaal ka tegey. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (1917-1980) dhaxalaqooneed tayo leh ayuu reebay. Wuxuu ahaa aqoonyahan, afyaqaan, taariikhyahan iyo qoraa. Wuxuu kaalin muuqata ku lahaa dadaalkii qoridda far Soomaaliga. Waxaa loogu magic daray dugsiga Muuse Galaal. Mudane Guuleed Muuse aad buu ugu mahadsan yahay booqashadan. Machadkuna wuxuu ku sharfay in la guddoonsiiyo buugcilmiyeedka SOMALI STUDIES.
Volume 7(2022)
Volume 6 (2021)
Volume 5 (2020)
Volume 4 (2019)
Volume 3 (2018)
Volume 2 (2017)
Volume 1 (2016)
Call for Papers
© 2024 ISOS