#1
GEERI NAXDIN LEH
Machadka ISOS ee daraasaadka Soomaalidu waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Xuseen Sheekh Axmed " Kadare" (1935-2015), oo subaxa Axada 1/2/2015 ku geeriyooday Muqdisho. Marxuumka Ilaahay haw naxariisto, samir iyo iimaana haka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkiisa iyo qaraabadiisa, iyo bahda afka iyo dhaqanka Soomaalida.
Marxuum Kadare wuxuu ahaa khabiir afka iyo dhaqanka Soomaalida, wuxuuna hawshan ka shaqaynayay laga soo bilaabo bartamihii qarnigii hore, waa muddo ka badan 60 sanno.
INAA LILAAHI WA IINNAA ILEYHI RAAJICUUN
( Kadare photo)
#2
FARTA KADDARE (KADDARE SCRIPT) ama (KADDARIYA SCRIPT)
Marxuum Xuseen Sheekh Axmed " Kaddare" (1935-2015) waxaa lagu xasuustaa fartii uu curiyay si Af Soomaaliga loogu qoro. Fartan waxa uu curiyay 1952, aqoonyahannadii iyo guddiyadii qiimeeyayna waxay ku tilmaameen far tayo leh.
Fartani waxay ka mid tahay saddexdii farood ee ugu caansanaa ee Soomaali curisay si afkooda loogu qoro.
labada kale waxay ahaayeen Farta Cusmaaniya ee Cusmaan Yuusuf Keenadiid curiyay qiyaastii 1922; iyo farta Boorama ee uu curiyay Sheekh C/raxmaan Sheekh Nuur sannadkii 1933.
Waxaa kale oo iyana caan ahaa laba fikradood, oo kala ahaa in farta Laatiinka ama farta Carabiga la qaato, oo lagu habeeyo Af Soomaaliga.
(Kadariya script + Kadare photo)
Follow Us
Copyright © 2018. All Rights Reserved to Institute for Somali Studies.