Waxaa Muqdisho ka furmay Aqoonisweydaarsiga sannadlaha siddeedaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2021), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.
Aqoonisweydaarsigan wuxuu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qaybqaadanaya aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal ka kala tirsan jaamacadaha, xarumaha cilmibaarista iyo guud ahaanba waxgaradka bulshada oo kala jooga Geeska Afrika iyo qurbaha intaba.
Aqoonisweydaarsigu wuxuu isugu jiraa qayb fool-ka-fool ah oo ku qabsoomaysa Hotel Afrik ee Muqdisho, iyo qayb fiidkii ah oo ku baxaysa aaladda ZOOM-ka iyo barta Facebook.
Aqoonisweydaarsiga waxaa lagu soo bandhigi doonaa in ku dhow labaatan daraasadood oo ay soo bandhigayaan cilmibaarayaal kala duwan oo isugu jira arrimaha waxbarashada, deegaanka iyo khayraadka, dhaqaalaha, bulshada, saamaynta safmarka COVID19 iyo kuwo kale.
Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed Waxaa qabanqaabiya machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xaruncilmibaariseed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.
Kanina waa aqoonisweydaarsigii siddeedaad oo noociisa ah, markii ugu horaysay waxaa la daahfuray sannadkii 2014.
Aqoonisweydaarsiga sannadakan waxaa halkudheg u ah: “Aqoon iyo Horumar”.
Follow Us
Copyright © 2018. All Rights Reserved to Institute for Somali Studies.